Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo xarun u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa isaga daba laabtay ku dhawaad afar musharax oo dhamaan doonaya xilka madaxweynaha sanadkaan.
Xasan Sheikh Maxamuud, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Cumar C.rashiid Cali iyo C/axmaan Cabdi Shakuur oo dhamaantood doonaya xilka madaxweynaha ayaa tagay magaalada Kismaayo.
Waxaana Axmed Madoobe uu la kulmay dhamaan musharixiinta doonaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo mid kastaa kala hadlay danahiisa gaarka ah.
Kulamada Axmed Madoobe ayaa hadda u muuqda mid xog badan ka haya ujeedada ay leeyihiin musharixiinta aan kor kusoo sheegnay.
Ujeedada afarta musharax ay ula kulmeen Axmed madoobe ayaa ah maadaama deegaanada Jubbaland ay ka imaanayaan xildhibaano badan oo baarlamaanka ka tirsan, waxaana musharax kastaa doonayaa inuu helaa codad uu ku kalsoonaan karo.
Axmed Madoobe ayaa u balan qaad u sameeyay musharax kastaa oo uu la kulmay, waxaana la ogeyn sida balanqaadyada ay u dhaqan geli karaan, maadaama Axmed Madoobe dhankiisa uu lug uu ku leeyahay musharixiinta la kala wato sanadkaan.
Cumar C/rashiid ayaa Kismaayo ka sheegay in sanadkaan loo baahan yahay hogaan cusub oo dalka ah, waxaana taasi qasabtay in Xasan Sheikh uu tagaa magaalada Kismaayo, isagoo jawaab u ah Cumar.
Wuxuuna dhankiisa Kismaayo ka sheegay inuu magaalada tagay maadaama musharixiinta kale olohooda ay wataan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

