32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Keating oo war kasoo saaray qorsho ay isla maleegayan madaxtooyada & G/Doorashooyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Xafiiska Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, ayaa waxaa looga hadlay Doorashooyinka dalka ka socda, gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha.

Micheal Keating, waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dib u dhac ku imaada Doorashada Somalia, waxa uuna sheegay in Madaxtooyadu ay ku dhiiraneyso in Doorashada la gaarsiiyo Sanada cusub.

Micheal Keating, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Doorashada aysan dhaafin dhammaatka sanadkani 2016, waxa uuna ka digay in doorashada Somalia ay gaarto Sanadka cusub ee 2017.

Warbixinta Micheal Keating, waxaa lagu sheegay inay haboon tahay in doorashada Madaxweynaha Somalia ay dhacdo inta aan la gaarin sanadka 2017.

Micheal Keating ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg loo xaliyo tabashada ay qabaan maamulka goboleedka Puntland oo ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Haddalka Micheal Keating, waxa uu imaanaya iyadoo Madaxtooyada iyo Guddiga Doorashooyinka ay isla maleegayaan qorsho ah in Doorashada la gaarsiiyo 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News