Muxuu Axmed Shafiq ka yiri bahdilkii uu kala kulmay dowlada Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay Ra’isul wasaarihii hore ee Masar ahna murashax u taagan xilka Madaxweynaha Masar Axmed Shafiq ayaa dib ugu laabtay magaalada Qaahira kadib markii laga tarxiilay dalka Istuga Imaaraatiga Carabta oo uu muddooyinkii danbe ku noolaa.

Shafiq ayaa Arbacadii lasoo dhaafay si rasmi ah u shaaciyey inuu ka qeyb geli doono Doorashada Madaxweynaha Masar ee sanadka soo socda 2018, isagoona la loolami doona Madaxweyne Cabdifatax Al Sisi.

Axmed Shafiq waxaa loo haystay arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Qoyska iyo Qareenka Axmed Shafiq, ayaa sheegay in dowlada Imaaraatiga ay xirtay hogaamiyahaasi Jimcihii lasoo dhaafay, iyagoona xili danbe u tarxiilay wadankiisa Masar maadaama Imaaraadka uusan la dhacsaney musharaxnimada Shafiq.

Ra’isul wasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiq oo goor dhow kasoo muuqday Telefeshinada isla markaana ka jawaabaya walaaca ay qabaan Taageerayaasha iyo qooyskiisa ayaa sheegay inuu nabad qabo oo aanan la afduubin.

Axmed Shafiq, waxa uu sheegay inuu weli ku taagan yahay mowqifkiisa la xiriira musharaxnimada, isla markaana aysan saameyn u geysan doonin sharaf dhaca uu kala kulmay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Axmed Shafiq waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta uu ku ahaa deegan isla markaana uusan uga maarmi doonin degnaanshihiisa inta uu ka qabanaayo xilka maadaama ay ku noolyihiin qoyskiisa.

Dhinaca kale, dalka Masar ayaa iminka marti galinaaya dhaqaale xumi iyo amaan darro baahsan oo ka jirta deegaano dhowr ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com