Maxaa u sabab ah in saaka la xiro dhammaan waddooyinka waaweyn ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan.

Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah.

Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah.

Dadka saaka isticmaalaya Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa ah keliya Gaadiidka ay wataan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Dowladda ay wataan.

Sidoo kale, Gaadiidka shacabka ayaa maraya wadooyinka xaafadaha oo qaarkood xitaa ah kuwa xiran sababo la xiriira adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale, xiran Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo la sheegay in ardayda dhigata shalay lagu sii wargeliyay inay fasax yihiin.

Ma aha shirkii ugu horeeyay oo loo xira waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhammaan waddooyinka la xiro xiliyada ay dhacayaan shirarka waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com