Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka amniga qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya, waxaana ka qeyb gelaya madaxda maamul goboleedyada, safiiro iyo xubno ka socdao beesha caalamka.

Wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, amniga iyo maaliyadda ayaa shirka sidoo kale ku leh khudbado min labo daqiiqo ah oo ay kaga warbixinayaan xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan furay, waxaana uu socon doonaa muddo labo cisho ah kaas oo lagu gorfeynayo amniga Somalia iyo wixii ka qabsoomay qorshayaashii shirkii London. waxaa kaloo diirada lagu saarayaa nidaamka ciidamada Somalia ugala wareegi lahaayeen qorshaha amniga dalka marka la gaaro xiliga bixitaankooda.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa iyana ka qeybgelaya shirkan ku saabsan amniga Qaranka Soomaaliya.

Munaasibadda xiritaanka ayaa waxaa ka hadli doona Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaa kale oo iyana ka hadli doona wakiillada beesha Caalamka ee shirkan uga qeybgelaya Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com