Sawirro: Qeybo kamid ah Sanca oo dagaalo culus ay ka socdaan

Nairobi (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada Sanca ee Xarunta Wadanka Yemen, kaa oo u dhexeeya Maleeshiyada Shiicada Yemen iyo Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cali Cabdalla Saalax.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa qarxay kadib markii Maleeshiyada Shiicada Yemen ay weerar gaadmo ah ku qaaday mas’uuliyiin si dhow ula shaqeynaayay Cali Cabdalla Saalax.

Maleeshiyada Shiicada ayaa weerar dhinacyo badan leh ku qaaday dhowr guri oo magaalada Sanca ay ka degnaayen mas’uuliyiintaasi taabacsanaa Cali Cabdalla Saalax.

Mas’uuliyiinta lagu weeraray guryahooda ee taabacsanaa Cali Cabdalla Saalax, ayaa qeyb weyn ka ahaa ololaha lagu doonaayo in xulafada Sacuudiga kusoo celiso heshiis mar kale awooda Yemen loogu gacan galinaayo Cali Cabdalla Saalax.

Maleeshiyada Shiicada Yemen ayaa markii hore siyaasad ahaa garab u ahaa Cali Cabdalla Saalax, waxa ayna dagaal mideysan kula jireen isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudiga, balse isu dhacooda waxa uu yimid, markii Cali Cabdalla Saalax uu wadahadalo ugu baaqay isbahaysiga Sacuudiga.

Dagaalka hadda socda ayaa albaabada usii furaaya dagaal hor leh oo dhexmaray Maleeshiyada Shiicada Yemen iyo Cali Cabdalla oo iminka la qorsheynaayo inuu soo laabto.

Geesta kale, waxa uu dagaalkan sii adkeynaaya nolosha dadka reer Sanca, oo markii horeba la daallaa dhacayay duqaymaha dalalka isbahaysiga.