Muxuu Biixi ka yiri wararka sheegaya in ciidamadiisa ay qabsanayaan Garoowe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay qabsanayaan  magaalada Garoowe.

Waxa uu Biixi sheegay inaanu u socon magaalada Garoowe, isla markaana aysan dooneynin inay ku xad dudbaan dhul aan iyaga khuseyn.

Waxa uu Biixi sheegay in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay iska difacdo cidkasta oo deegaanadeeda kusoo duusha, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiye Muuse Biixi ayaa sheegay in Soomaliland ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado cidkasta oo diidaa Nabada,balse marka hore ay siin doonaan digniin tan xigtana ay noqon doonto in ay la-daagalamaan.

Biixi waxa uu tilmaamay in marwalba Soomaaliland ay diyaar u tahay in ay nabada qaadato hase ahaatee aysan ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo xadgudbo.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Somaliland ay gaarto xuduudeeda rasmiga ah ee uu sameeyay Gumeystihii Ingariiska.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay dooneyso in nabad lagu dhameeyo Khilaafka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland.

Haddalka Biixi waxa uu imaanayaa xili Maamulada Somaliland iyo Puntland ay hawadda isku mariyeen Hanjabaado saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii dagaal culus oo ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Degaanka Tukaraq  ee gobolka Sool ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamada maamulka Puntland oo dagaal kaga qabsaday maamulka Somaliland, waxaana iminka is horfadhiya labada ciidan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com