Muxuu Cabdikariin Xuseen Guuleed ka yiri 18-ka May?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddo hadda laga joono 30 sano.

Guuleed ayaa marka hore boggaadiyey guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyada nabadda, horumarka iyo  hannaanka Doorashooyinka ku dhisan qof iyo codka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay in la siiyo ahmiyad gaar ah, iyada oo mudnaanta la siinayo aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul.

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu ka gaabiyey arrimaha Somaliland, gaar ahaan wada-hadalladii socday ee u dhexeeyey labada dhinac.

“Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan,” ayuu yiri musharrax Guuleed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maanta 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen gooni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed marka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay Somaliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooyinka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyadda iyo isu Tanaasulka.

Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somaliland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo kayimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in lasameeyo  wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo.

Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin Mudnaantii iyo Meeqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Maawimooyinka Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaabaha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somaliland baahida u qabaan.

Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina wada Deeqda.