Xog: Shaki iyo cabsi ka dhalatay askarigii Badbaado Qaran ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee diidanaa muddo korarsiga iyo saraakiishii hogaamineysay ayaa wajahaya cabsi amni oo xoog leh, sida ay noo xaqiijiyeen tobaneeyo ka mid ah ciidankaas. 

Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka. 

Cabsidaan oo maalmahaan taagneed ayaa waxay ka sii dartay maalmo kadib markii askari ka tirsanaa ciidanka Mucaaradka, islamarkaana qeyb ka ahaa hay’adda NISA la dilay kadibna lagu riday god qashin. 

Marxuumka ayaa sidoo kale lala dilay qof dumar ah oo la joogtay, waxaana xog la helay ay tilmaameysaa in ay ka dambeeyeen ciidan ka tirsan dowladda. Warkaan waxaan ka soo xiganay dhinaca mucaaradka. 

Saraakiisha iyo ciidamada taageeray mucaaradka ayaa qaba cabsi ah in si gaar ah loo beegsan karo islamarkaana ay soo gaartay warar cabsi gelin ah oo kaga imanaya dhinaca dowladda. 

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka. 

Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay.

Dowladda federaalka ayaan weli ka hadal askariga sida arxan darrada ah loogu dilay Muqdisho, waxaana inta badan eedda ay farta ku fiiqeysaa in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidankeeda.