Dadka kasoo jeeda beelaha HAWIYE ee Somaliland oo loogu hanjabay in la tarxiilayo

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland uu ku sheegay inay tallaabo ka qaadayaan beesha Hawiye oo dhawaan taageero u muujiyey musharaxiin ka qeyb-galaya doorashada Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in ajaaniibka ku nool Somaliland oo la fahamsan yahay inay qeyb ka yihiin beelaha Hawiye ee kunool Somaliland aysan ka qeyb qaadan karin doorashada Somaliland, islamarkaana aysan codeyn karin.

“Wasiirka amnigu wuu ku saxsan yahay inuu yidhaahdo ajaanibku ma codeynayaan waanu ku taagersanahay. Reer Somaliland waxay leeyihiin reer ayaa loo jeeda waxaanu leenahay intaan laydin Tarxiilin isaga baxa dalka,” ayuu yiri.

Faysal oo hadal ka jeedinayay munaasibad lagu shaacinayey xildhibaano ka sharaxan xisbigiisa Ucid ayaa ku hanjabay in beelahaas ay ka baxaan Somaliland, ka hor inta aan la tarxiilin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay joojineyso wada-hadalada Soomaaliya oo ku tilmaamay kuwo aan faa’iido u laheyn, “Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland waan joojinayna, waayo faa’iido waa laga gaadhi waayey, sababttuna waa ciyaalkii kacaanka oo maanta Muqdisho ka arriminaya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo dhawaan ka hadlayey shirkaas iyo go’aanadii ay soo saareyn Beesha Hawiye ayaa sheegay in cid aan u dhalan Somaliland aysan ka codeyn karin deegaanada maamulkaas.

“Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, kan soo kaxaystayna wuu iska hadlayaa,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu sheegay in dadkii shirkaas qabtay ay ku daba joogaan islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdinaasir ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay Dastuur islamarkaana uusan dastuurkooda qabin in qof aan kasoo jeedin Somaliland, oo uu ula jeedo qabiil ahaan, uu ka qeybgalo doorashooyinka iyo codeynta.

Hadalkaan ayaa imanaya xili asbuucii hore Magaalada Burco ku yeesheen Cuqaasha, Waxgaradka, madax dhaqameedka iyo Ganacsatada Beelaha Hawiye ee ku nool Magaalada Burco, kaasi oo ay ku sheegeyn inay taageerooda iyo codkooda ku biirinayaan musharaxiinta kala ah Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer.

Waxa uu kusoo aadaya sidoo kale xili ay hadal hayn badan ka dhalatay hadalkii wasiirka ee uu ku sheegay in xukuumadda Biixi ay tallaabo ka qaadeyso beesha Hawiye, taasi oo siyaabo kala duwan looga fal-celiyay.