Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, xilli ay marayeen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khsaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kalena ay qabsatay saanad, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray lagu soo warramayaa inay sii wateen socdaalkooda.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada isaga kala gooshayaan gobollada dalka.