Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay saraakiisha ATMIS?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxa uu Taliyaha Secter Five ee ciidamada ATMIS, Jeneraal Ndizigiye Elie kala hadlay sugida amniga iyo dardar-gelinta howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu kala qaatay warbixin la xiriirta la-dagaalanka Al-Shabaab iyo howl-galada looga sifeynayo kooxda deegaanada maamulka HirShabelle ee hogaamiyo madaxweyne Guudlaawe.

Degaannada maamulka HirShabelle ayaa waxaa aad ugu xoogan ururka Al-Shabaab, iyaga oo bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan.

HirShabelle ayaa sidoo kale waxaa ka taagan xaalado adag oo ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan, barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.