Muxuu CC Sharmaarke ka yiri dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo ku aadan dib u soo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in arrin lagu farxo ay tahay dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo dhex-dhexaadinta iyo dadaallada ay waddo dowladda Qatar.

“Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa xusay inay tani xoojineyso ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhowaaqday inay dib usoo celisay xiriirka labada dowladood, kaas oo horey u go’ay dabayaaqada sanadkii hore 2020-kii, kadib markii ay dowladdu ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya.