Labo ka mid ah askartii loo heystay dilkii guddoomiye Dhagajuun oo lasii daayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weli ay socoto dhageyso dacwadda dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sii deysay 2 ka mid ah askartii lagu soo eedeeyey dilka marxuum C/raxmaan Dhagajuun.

Labada askari ee lasii daayey ayaa kala ah Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud (Buuqsane) oo ka mid ahaa 7 askari ee loo xiray dhacdadaasi.

Sii deynta raggan ayaa timid, kadib markii xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada uu shaaciyey inuu eeda kala noqotay labadaasi oo askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha saldhigga Booliiska degmada Waabari Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaano (Mooshin).

Sidoo kale waxay maxkamaddu sheegtay in labadaasi askari aysan qeyb ka aheyn ciidamadii ridday rasaasta lagu furay, laguna dilay Marxuumka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay warbixinta guddi gaarka ahaa ee loo saaray, sida uu dhacay dilka Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee  magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay maxkamadda ciidamada go’aan rasmi ah ka soo saarto dilka guddoomiyihii Hodan.