Sheekh SHARIIFoo farriin u diray dowladda federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay carruurtii ka geeriyootay, islamarkaana waxaa uu Allah ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona  garab istaagna u muujiyay.

Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalidka 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif ayaa waxaa ugu baaqay dowladda federaalka inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.

Qoysaskan ayaa waxaa shalay galab boqoda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, wuxuuna u sameeyey ballan-qaad, hase yeeshee weli ma jirto wax la taaban karo oo ay dowladda u qabatay.