DF oo shaacisay sida ay ula dhaqanto xubnaha beesha caalamka ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan sida ay u shaqeyso Wasaaradda arrimaha Debadda xilli uu ka qeyb galay barnaamij lagu qabtay barta Clubhouse.

Wasiirka oo Su’aalo badan la waydiiyey ayaa sharaxad ka bixiyey qodobo ay kamid yihiin Sida ay Soomaaliya ula dhaqanto safaaradaha iyo Beesha Caalamka, qaabka loo xusho safiirada iyo Soomaaliya haddi ay ka maarmi karto dhaqaalaha ay ka hesho beesha Caalamka.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la waydiiyey sida ay wasaaradiisa ula dhaqanto safiirada hadalada kulul oo ay uga hadlayaan Soomaaliya soo dhigo baraha bulshada, iyadoo tusaalaha ahaan loogu soo qaatay qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay mid ka mid ah safiirrada ajaanibta ah. Qoraalka ay dowladda Soomaaliya qoonsatay wuxuu ahaa in dowladda lagu amray inay awood wareejin sameyso.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in marka hore ay tahay in la ogaado in Soomaaliya aysan ka maarmi karin beesha Caalamka maadaama uu sheegay aysan heysan dhaqaae.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay mar walba si hoose xiriir ula sameyso safiirada qoraalada ku saabsan Soomaaliya soo dhigo baraha Bulshada.

“30 sano ka hor adduunka kama jirin baraha bulshada iyo waxyaabahan Twitter-ka lasoo wada dhigayo, laakiin annaga laftirkeenna inkastoo waxyaabahan ay aad noo dhibayaan an oggolaano xaqiiqada ku saabsan inaan nahay dal miisaaniyaddiisa la kabo, amnigiisa wax lagala qabto dadkiisa loo soo gurmado markii ay ku dhacaan abaaro ama fatahaado, bal ka warran haddii maanta aan wax walba heysanno. Safaaradahan iyo wasaaradahan qaabka aan ula dhaqanno way ka duwanaan lahayd sida, ayagana marka horeba way na ixtiraami lahaayeen,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sii raciyefy “Waa inaan annaga lafteenna muraayad isku fiirinno oo aan aragno inaan nahay dal saas ah oo waliba raba in lagu ixtiraamo. Si kastaba ha ahaatee wali waxaan marar badan ka shaqeyneynaa, isu ekeesiineynaa inaannaan qaadan karin waxyaabaha qaar, waana naga dhab. Hadda Tweet-ki ugu dambeeyay markaan arkay qaarkood aniga si shaac baxsan waan ugu jawaabi karay laakiin waxaan kala doortay in aan farriin gaar ah u diro oo farriimahaas isdhaafsanno iyo inaan Tweet ku jawaabo kee wax tar noo leh annaga.”

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa yiri “Qaarkiin way ogyihiin aniga inaan kala gabbanin safiirrada iyo diblomaasiyiinta aan dareemo inay nagu xad gudbaan, oo aan si loo wada jeedo ugu jawaabo kana hadlo. Marka waxaan go’aansaday inaan Tweet-kaas farriin khaas ah u diro una sheego in waxa lasoo qoray aysan nagu habbooneyn, taasna waxay keentay jawaabtii aan annaga ka rabnay.”

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arrimah Debadda Soomaaliya ayaa kuso aadayo xilli maalmihii ugu dambeeyey ay xubnaha beesha Caalamka cadaadis ku saarayeen Dowladda Soomaaliya inay dalka ka qabato doorasho la isla ogol yahay, iyadoo dowladaha qaar ay soo saarayeen hanjabaado ka dhan ah madaxda Dowladda.