DF oo shaacisay sababta ay usoo celisay xiriirka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya aya ka hadashay sababta ay dib ugu soo celisay xiriirkii diblomaasi ee Kenya oo go’aanaa ku dhowaad lix bilood, kaasi oo hadda dib loo billaabay Khamiistii tagtay. 

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay Soomaaliya u golaatay inay soo celiso xiriirka ayaa ah in dalna aanu dal kale farogelin.

“Waxaa heshiiska aasaas u ahaa in dalna aan dal kale farogelin, in darsinimada la isxtiraamo, in waddankasta aanu sameyn tallaabo wax u dhimiyesa xornimadiisa, sida meesha ka muuqatana wax allaale wixi arrimaha gudaha Soomaaliya iyadaa iska leh mana ogolaaneyso in la farogeliyo, waana la isla gartay arrintaas iyada ah inaanay dhicin,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale kasii daray kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Soo celinta xiriirka labada dal ayaa waxaa ka shaqeysay Qatar, oo saami ku leh shirkadda Talyaaniga ee ENI oo iibsatay qeybo ka mid ah xirmooyinka shidaal ee dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, taasi oo dhalisay shaki xooggan oo ku saabsan in labada dal ay qorsheynayaan heshiis maxkamadda ka baxsan. 

Hase yeeshee Al-Cadaala ayaa sheegay inaysan soo celinta xiriirka saameyn ku yeelanayn arrinta dacwadda badda.

“Wax saameyn ah oo ay ku yeelanayso ma jirto, sababtoo ah arrintaas ma ahan arrin quseeysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waa arrin soo jirtay intii aanu hakan xiriirka diblomaasiyadeed markii uu cilaaqaadka hakadayna socotay, hadda oo uu cilaaqaadka soo noqdayna waa ay sii socon doontaa waana arrin hotaalla maxkamad oo aan quseynin arrimaha siyaasadda,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa xilligii ay jartay xiriirka Kenya ku eedeysay inay faro-gelin siyaasadeed ku hayso arirmaha gudaha dalka, mana cadda illaa iyo hadda wax isbeddel ah oo Kenya ay sameysay tan iyo markaas oo ka duwan arrimihii lagu eedeeyey.