Sawirro: Sheekh Shariif oo war ka soo saaray kulan uu la yeeshay taliye Xijaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay uga wada hadleen kulankaas iyo sidoo kale dardaaran uu u jeediyey Taliyaha.

“Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Madaxweynihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed.”

Dhanka kale qoraal lagu baahiyey bogga twitter-ka ee Taliska booliska ayaa lagu sheegay in kulankaas looga wada hadlay sugidda ammaanka musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

“Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan booliska ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif. Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Dalka ayaa hadda kadib u jeheysanaya doorashooyin, maadaama uu fashilmay mado kororsigii abuuray qalqalka siyaasadeed, qorshaha ugu weyn ee sugidda ammaanka doorashadana waxay mas’uuliyadi ka saran tahay booliska.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in mas’uuliyadda ammaanka magaalada uu si buuxda ugu xil-saaray taliska guud ee booliska Soomaaliya, xilligaas oo ay Muqdisho ka baxayeen ciidankii Badbaado Qaran ee furimaha uga soo baxay ka hor tagga mudo kororsiga.