Xog: Qoor Qoor oo sababo amni uga baaqday safar uu ugu bixi lahaa Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta ka baaqday safar uu ku aadi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoor Qoor ay saraakiishiisa dhanka ammaanka ku wargeliyeen in uusan ka dagi karin Dhuusamareeb, kadib duqeymo xalay saqdii dhexe lagu garaacay. 

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ku dhowaad 10 hoobiyo ku garaacay garoonka Dhuusamareeb iyo nawaaxigiisa waxaana wali jirta cabsi laga qabo in ay markale duqeeyaan. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in safar dhulka ah ku tago Dhuusamareeb islamarkaana uu ka dago garoonka magaalada Cadaado si loo ilaaliyo bad qabkiisa. 

Madaxda maamulada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa la filayaa in muddo maalmo ah soo joogaan degaanadoo iyagoo ka hor 20-ka bishaanna usoo laaban doono Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka uu Iclaamiyay ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka. 

Al-Shabaab ayaa bishii Novermber ee sanadkii hore duqeeyay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor, taasoo ka kacday garoonka Dhuusamareeb inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Tan iyo markii uu madaxweyne noqday Qoor Qoor, islamarkaana meesha laga saaray Ahlu-Sunna, kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo xooogeysaneysay Galmudug, ayada oo Qoor Qoor uu noqday madaxweyne inta badan ku sugan Muqdisho, oo ka shaqeeya danaha Villa Somalia.