Muxuu Fahad ka yiri ‘inuu ahaa milkiilaha dowladda’?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iy sirdoonka qaranka NISA, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee lala yeesho ayaa ka hadlay sida uu u arko in loogu yeero (Milkiilaha Dowladdii Farmaajo).

Fahad ayaa si cad u sheegay inuu aad uga xun yahay in loogu yeero milkiilaha dowladda, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay ereygaas adeegsadeen mas’uuliyiin uu sheegay inay xilal sare kasoo qabteen dalka.

“Ereyga mulkiilaha erey asluubaysan ma aha, waa erey aan ka xumahay in dad masuuliyiin ah oo waawayn ay isticmaaleen. Kuma haboona dalka in la yiraahdo hebel ayaa mulkiile ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa aflagaado ku tilmaamay in shaqsi dowladda ka tirsan oo shaqaale ah loogu yeero mulkiile dowladeed, wuxuuna iska fogeeyey sida lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii ugu awoodda badanaa dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu ka hadlay waxa keenay in milkiilaha dowladda lagu tilmaamo ayuu yiri “Hoggaamiye kasta oo dunida soo mara qof ayaa saaxiib dhow la ah. Aniguna Sharaf ayay ii tahay inuu madaxweyne Farmaajo saaxiib dhow iga dhigtay”.

Mar wax laga waydiiyey sababta keentay inuu noqday qofkii ugu saameynta badnaa siyaasadda ayuu sheegay inay taas sabab u aheyd maadaama uu madax ka ahaa xafiis lagu kariyo siyaasadda iyo go’aanada lagu maamulo dalka.

“ Marnaba aniga ma aaminsani in go’aan aan bixiyey dad lagu dhibaateeyey, balse go’aanada dowladda kasoo baxay koleyba dad dhibsanaya wey jireen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Fahad Yaasiin ayaa dalka isaga baxay maalin ka hor xil wareejintii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.