Muxuu Farmaajo ka aaminsan yahay warbaahinta xorta ah ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo lagu soo daabacay bartiisa rasmiga ee Twetter-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa lagu amaanay kaalinta warbaahinta xorta ah ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Warbaahinta xorta ah ay waxabadan ka bedeleyso muuqaalka guud ee dalka iyo isku imaatinka Umadda Soomaaliyeed.

Nuqulka qoraalka ayaa waxa uu ku yiri ”Warbaahinta xorta ah, waxaa ay muhiim u tahay dib uu nooleynta qarankeenna iyo hubinta isla xisaabtan ka dhaqangala heerarka kala duwan ee xukuumadda”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu amaanay xaalada ay ku shaqeynayaan Weriyayaasha waxa uuna ku baaqay in Saxaafada ay dhankeeda ka tabiso waxyaabaha suuragalinkara isku imaatanka Bulshada Soomaaliyeed.

Warbaahinta xorta ah iyo Weriyayaasha ka howlgala ayaa Cadaadis joogta ah kala kulmi jiray dowladda iminka dhacday iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxa ayna Warfidiyeenadu sugayaan sida Dowlada Madaxweyne Farmaajo ula dhaqanto Warbaahinta Xorta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com