Fallanqeyn: 3 waxyaabood oo uu ka liito Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed waa mid kamid ah hogaamiyayaasha la bartay bilawga qarnigan 21-aad marka loo eego qaab siyaasadeeydka uu ku bilawday, xilli da’diisu aad u yartahay.

Shariif ayaa kusoo hana qaaday Maxkamadihii Islamiga ahaa ee dalka ka dilaacay bilawgii qarnigan, waxaana uu ugu dambeyn noqday hogaamiyaha Maleyshiyaadkii Islaamiga ahaa ee 2006-dii dalka oo idil la wareegay.

Waxaa lagu amaanaa ninkan in uu yahay siyaasi afmiinshaar ah islamarkaana diinta aad u yaqaana, hadanase waxaan idin soo gudbinaynaa Saddex ceyb oo uu leeyahay Shariif inta aadan ku arkin masraxa siyaasada sanadkan.

Cilada koowaad ee uu leeyahay Shariif waa

  1. Dhalinyaro Liidnimo

maadaama uu yahay qof dhalinyaranimada dhawaan uun ka baxay Shariif ayaan diirada saarin in uu door wanaagsan ka ciyaarsiiyo dhalinyarada Talisyada uu soo maamulay, waxaana lagu tilmaamaa in ka doorbido Odayaasha iyo culimada intii uu door wanaagsan ka siin lahaa Dhalinta.

Balanqaadyada ugu waa wayn ee uu sameyo kamid ma ahan dhiira galinta Dhalinyarada oo lagu tilmaamo in ay yihiin Udub dhaxaadka Qowmiyada Soomaalida waxaana lagu qiyaasaa in 70% dadka Soomaalida ay da’doodu ka hooseeyso 30 sano.

Sidaa darteeda waa cilad kamid ah ciladaha uu leeyahay Shariif Sheekh Axmed, waxaana mudan in aad si hufan ula socoto balanqaadyada uu sameynayo ka hor inta aan la gaarin doorashada dalka.

  1. La Gaashaanbuurta Qab Qablayaasha

Yuusuf Siyaad Indha Cade iyo Shaqsiyaad kale ayaa kamid ah dadka uu jaanta ku wato Shariif Sheekh Axmed kuwaas oo qeyb ka ah qab qablayaashii dagaalka ee waqti dalka heystay.

Axmed Daaci iyo magacyo kale ayeey hubanti tahay inay soo noqdaan hadii uu markale madaxtooyada soo fadhiisto Shariif Sheekh Axmed, maadaama ay isku gaashaanbuur yihiin taas oo markale dadka soo xasuusinaysa dhibaatadii ay dadka ku hayeen qab qablayaasha dagaalka.

Tani waxay qeyb ka tahay Ciladaha uu leeyahay hogaamiyihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

  1. Xiriirka Dowladaha Dariska

Tan marka dhan loo fiiriyo waa amaan uu leeyahay wiilka xuduntiisu Shabeelaha DHexe ku duugan tahay, balse marka loo dhankale loo fiiriyo waxay u muuqataa in ay tahay liidasha siyaasadiisa Arimaha dibada.

Ethiopia ayaa qeyb kamid ah Siyaasadeeda ku qarash gareysa Soomaaliya, Balse Xiriir wanaagsan kala ma dhaxeeyo Shariif marka loo eego sida ay iskugu wanaagsan yihiin hogaamiyaha dhawaan waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Taas waxay ka dhigan tahay in ay ku adkaan doonto in uu noqdo hogaamiyaha xiga ee dalka hadii uusan hagaajin Siyaasadiisa la dhaqanka Ethiopia oo hadda meel hoose ah.

W/Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali: MAS”UUL KAMA AHI SIDA AAD U FAHANTAY BALSE WAXAAN MAS’UUL KA AHAY QAAB QORAALKEYGA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com