Saddex waxyaabood oo uu ku fashilmay maamulka Cabdi Kariin Guuleed

Madaxwayne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka ah madaxweyne goboleedyada hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, waxaase lagu xantaa in uu kamid yahay xerta Xasan Sheekh Maxamuud uu jaanta ku wato.

Balse dadka naqdiya siyaasad Guuleed ayaa sheega in uu yahay nin afgaaban oo aan cadkiisa wax badan ka dhacsan karin, xilli qolyaha uu ka dhashayna ay yihiin dad aan qaboobeyn oo cad goosiga ku wanagsan.

Waxaase ay idin soo gudbinaysaa Shabakada Caasimadda oo aad ugu baratay daba galka dadka caanka ah iyo xaqiiqooyinka siyaasada gudaha, Saddex Waxyabood oo uu ku dhacay Guuleed in uu kasameyo Galmudug tan iyo markii la doortay.

1) La Macaamilka Urur Diimeedka Ahlu Sunnah Wal Jamaacah

Urur diimeedkan digriga caanka ku ah ayaa dood badan iyo tuhun ka qaba sida uu wax u maamulo madax wayne Cabdi kariin madaama uu hoos tago madaxtooyada Soomaaliya, sidaa darteeda Ahlu Sunnah ayaan waligood aamini doonin aragtida siyaasadeed ee Guuleed.

Sheekh Maxamed Shaakir ayeey ku andacoodaan Ahlu Sunnah in uu yahay madax waynahooda, taas oo la micna ah in aysan u riyaaqsaneyn taliska Cadaado fadhigeedu yahay.

Cabdi Kariin ceebta ugu wayn ee haysta ayaa ah in uu yahay siyaasi af gaaban taas oo aan la amaanin marka lagu jiro masraxa siyaasada.

2) Xalinta Dagaalada Soo Noq Noqday Ee Gaalkacyo

Kaliya Guuleed qalad kuma laha joogsiga dagaalka iyo fashilkiisaba, dhanka kale Gaas ayaa isna kistiisa ka qaadanaya, balse anaga waxaan kaliya diirada saaraynaa kaalinka Guuleed madaama uu yahay qofka ay sheekadan taabanayso.

Tan iyo markii Cabdi Kariin Xuseen Guuleed loo magacaabay Maamulaha Xukuumad goboleedka Cadaado waxaa soo noq noqday dagaal beeleed yada u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, taas oo aan la arag xal rasmi ah oo laga gaaray.

Mararka qaar Galmudug ayaa horjooga ka ah dagaalada qaar ay la galaan Puntland taas oo la micna ah in ay tahay qodob kale oo ay ku dhacday xukuumada Guuleed.

3) La Falgalka Maamulada Kale

Ma jirto saameeyn wayn oo uu ku leeyahay Guuleed maamulada dalka ka jira, waxaase loo aaneeya in uusan ahayn qof dabiici u ah siyaasada, iyo qabiir daraasadaha siyaasad ku wanaagsan.

Axmed Madow, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdi Wali Gaas ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin siyaasiyiinta ugu saameeynta badan madaxda maamusha gobolada soomaalida, waxaase taas ay ka dhigan tahay in ay Galmudug heleen hanad kii ugu xumaa ee soomara maadaama ay yihiin dad dhiiga iyo siyaasada u dhashay.

Waxaase la rajeynayaa in uu sii ahaado maamulaha Galmudug xilli uu watto Xasan Sheekh Maxamuud maamulka magac u yaalka lagu marin habaabiyay dadka gobolada dhexe.

Qalinkii Cabdi Wahaab Axmed Cali