Muxuu Farmaajo ka yiri dagaalka dhiiga badan ku daatay ee Xeeraale?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka noocaasi uu yahay mid khasaaro badan loogu geysanaayo dadka shacabka ah waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Farmaajo waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Farmaajo waxa uu sidoo kale sheegay in DFS ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

”Waxaan ka digeynaa in dagaalka uu sii socdo oo lagu dul dagaalamo dadka shacabka ee maatida ah”

Geesta kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka ka socda agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com