25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Muxuu Farmaajo ku qanciyay Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in Hogaamiyayaasha Gobolada dalka uu ku mideeyo qodobada lala hortagaayo shirka London.

Madaxweynaha oo saacadihii ugu danbeeyay xojooyin kala duwan kala kulmaayay Hogaamiyayaasha ayaa waxaa iminka lasoo warinayaa inuu ku mideeyay in DFS looga danbeeyo shirka London isla markaana qodobada lala tagaayo Shirka ay qorto DFS.

Madaxweynaha waxa uu ku guuleystay in Hogaamiyayaasha ay isku raacaan in DFS ay hogaamiso shirka isla markaana wixii tabasho ah ay ku gudbiyaan qoraal yar si meesha looga saaro Khilaaf iyo isbarbar yaac sababa hakatka shirka.

Madaxweynaha ayaa sidoo Hogaamiyayaasha u cadeeyay in DFS ay u muuqato keliya in Beesha Caalamka la tuso sida ay isugu xiran yihiin Madaxda Soomaalida, waxa uuna meesha ka saaray in DFS ay wado qorsho iyada u gaar ah.

Madaxweynaha ayaa Hogaamiyayaasha u sheegay inaanu jirin cid gaara oo afka laqaban doono, balse waxa uu xaqiijiyay inay muhiim tahay shirka lala tago midnimo iyo aragti mideysan oo aan soo dada jin karin kala aragti duwanaasho iyo iska warqab la’aan ka dhex jira Madaxda DFS.

Geesta kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inay ka dhabeyn doonaan Himiladooda waxa uuna ku celcelshay in Somalia ay dawo u tahay Caalamka oo la tuso xaqiiqda ka jirta Dalkeena.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News