Sawiro: R/W Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxda maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay hoggaamiyaasha maamul Goboleedyada dalka, waxaana kulankaas qeyb ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Cabdi iyo  gudiga gurmadka qaran ee abaaraha Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu Ra’isulwasaaraha la yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay inuu ahaa  sidii gurmad iyo samato bixin loogu sameyn lahaa dadka ay baaruhu saameynta xoogan ku yeesheen ee ku nool qeybo badan oo Soomaaliya ah, iyadoo laga war qabo xaalad dad badan oo Soomaaliyeed inay ku jirto halis weyn.

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah kaasoo dhex maro hoggaamiyayaasha maamulada iyo Dowladda Soomaaliya, waxaana si toos ah isku hor fadhiistay guddiga gurmadka abaaraha iyo Madaxda Maamulada.

Gudiga Gurmadka ayaa ka warbixiay xaaladda abarta ka jirta dalka kharashaaka usoo aruuray iy kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay salkicisay abaarta

Xasan Cali kheyre  ayaa ku dheeraaday ka hadlka abaaraha ka jira dalka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay inay isku tashadaan bulshada Soomaaliyeed isla markaana gar gaar loo gaarsiiyo dadka samato bixinta u baahan .

Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii Gobolda dalka loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg iyadoo la kaashanayo Beesha Caalamka.