27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Muxuu guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ka yiri xil ka qaadista lagu sameeyay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa beeniyay warar sheegayay in xildhibaanada baarlamaanka uu guddoomiyaha u yahay ay xilka ka qaadeen isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in uusan jirin baarlamaan kulmay oo uu ka warqabo marka laga reebo sida uu sheegay dad rayid ah oo inta la isugu keenay madaxtooyada oo lagu sheegay in ay yihiin xildhibaannadii baarlamanka.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmayo xilli muranka siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedka Galmudug uu cirka isku sii shareerayo, iyadoo fashil uu ku yimid waanwaan laga dhex waday dhinacyada isku haya siyaasadda maamulkaasi.

Arrintan ayaa timid xilli hoggaanka sare ee Galmudug uu ku kala jabay labo dhinac oo iska soo horjeeda. Waanwaan ay wadeen qaar ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda maamulkaasi ayaan ilaa haatan miro dhal noqon.

Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkani ayaa hadda waxaa ka jira xiisad ka dhalatay muranka hareeyay hoggaanka sare ee Galmudug, waxaana arrintan ay salka ku haysaa khilaafka waddamada Carbeed ee Khaliijka.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News