Wasiirkii difaaca Somalia oo qormo cajiiba ka sameeyey xaalada dhabta ah ee ka jirta Somalia (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaalka Gaaban Waxaan Jeclaan lahaa in aan isku weydiino (muxuu yahay Qabku” , sida lagu micneeyo Qabku waa heerka qofka nafsadiisa (Dareenkiisa) isla joogo ha ahaato isla weyni ama isku kalsooni iyo  sida uu hadba u arkayo samaha iyo xumaha. Hadii intaas aan sii faah faahiyo oo la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay, qofba si ayuu u fasiranayaa, midbaa oranaya waa doqon nacas ah kibirna badan oo ka fog wax kasta oo ra’yi macquul ah. Mid kale ayaa oranaya waa mid ka dhowrsan kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

Haddii labadaas figradood aan isbar-bar dhigo waxaa imaanaysa in la is weydiiyo Qabku ma fiican yahay mase waa xun yahay?, dad badani waxay qabaan haddii la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay in uu yahay mid nacas ah (Doqon). Qabkaasi waa mid xun oo aan faaiido lahayn.

Dad kale ayaa qaba in qabku fiican yahay marka laga reebo hadalka ah qofkaasi waa isla qab weyn yahay waxay dadka qaar u fasiraan in uu yahay qofkaasi  ruux wax gal ah (Waxgarad) kana xishoon kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

Haddii arrinta Qabka shaqsiga aan ka gudubno una gudubno qabka ay leedahay bulsho, aan tusaale ka dhigo qabkii ummada Soomaaliyeed ay lahayd oo u kala qaadno waqtigii hore iyo waqtigan hadda ah ee la joogo.

Aan isku dayo in aan wax ka xuso qabkii fiicnaa ee bulshada Soomaaliyeed ay lahayd, waxaa kamid ahaa in qofku aflagaadeyn dadka ka weyn, dariska ama bulshada ay meel ku wada nool yihiin, ruux culimo ah, gabar iyo hooyo midna aan la faraxumayn, martida oo la soo dhaweeyo lana sooryeeyo, ergada oo aan la xumayn, waalidka oo la qadariyo iyo qaar kale  oo aanan halkaan ku soo koobi karin, waxaa kale oo intaas sii dheer marka ay timaado in dalkooda cadow ama dad qalaad uu soo galo khatarna ku ah dalkooda si wadajir ah ayey u difaaci jireen.

Waxaa xusid mudan qabkii ay lahaayeen odayaashii bulshada soo hoggaamin jirey, kuwii xorriyadda u soo halgamey, kuwii diinta iyo dhaqanka suuban bulshada barayey.  Qabkii wadaninimo wuxuu ummadda Soomaaliyeed u soo hooyey dhulkoodii bad iyo beriba guul iyo gobonimo, dhulkeena quruxda badan ee aad aragtaan oo ay ku xeyndaaban yihiin Xeebaha Afrika ugu dheer waxaa difaacay awoowayaashii naga horeeyey oo isticmaalayay Qabkoodii wanaagsanaa ee wadanimimo iyo wadajir ee aan istcmaalin qabkii nacasnimo.

Dib aan ugu noqdo qabkii aan niri wanaag iyo xumaanba waa sidii loo isticmaalo, aan wax ka taabto waqtiga hadda la joogo qabka qofeed iyo midka bulsho.

Haddii aan wax ka iraahdo ama ra’yi ka dhiibto waxaan leeyahay qabkii wanaagsanaa ee lagu yiqiin dadka Soomaaliyeed mid qofeed iyo mid bulshaba wuu dhumay. Arrintaasi ama ha keento burburkii dalka ku dhacay ama arrinta guud ee adduunka ka jirta, gaar ahaan wadamada muslimka ah, waxaa hubaal ah in arrinta qab-jabka ah ay maanta ka jirto dalkeena saameysana qof yar iyo mid weynba, waxaa dhumay dareenkii wadanimimo, kii wadajirnimo, waxaa dhumay xurmadii iyo is qadarintii bulshada ka wada dhexeysay, arrimahaas aan kor ku xusay waxay dhaliyeen qabkaas oo kiisii xumaa la isticmaalayo ee aan la isticmaalayn kiisa wanaagsan.

Talada gaba-gabadeedu waxay tahay Soomaaliyeey aanu isticmaalno qabkeenii wanaagsanaa ee  bulshada Soomaaliyeed caanka ku ahayd, iskana dhaafno qabka xun.

Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya