Muxuu helay R/W ROOBLE kadib go’aankii DF ee ONLF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Feysal Rooble oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay go’aankii kasoo baxay xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii ay shalay ku dhowaaqeen inay ka laabteen go’aankii Urur Argagixiso loogu aqoonsaday ONLF oo ka dhisan Soomaali Galbeed.

Feysal Rooble oo aad u falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuna raaceen Golihiisa Wasiirada uu ku helay sharaf iyo magac fiican oo Soomaalinimo ah.

“Rooble arrintan wuxuu ku helay sharaf iyo magac fiican oo Soomaalinimo ah, waana ku mahadsan yahay taariikhadana way xusi doontaa,” ayuu yiri Feysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Inta badan taariikhda lama tabo marka la dhex joogo, laakiin marka la tego ayaa dib loo fiiriyaa. Rooble waa ku amaanan yahay,”.

Aqoonyahankan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Ra’iisul wasaaraha uu qaatay go’aan sax ah, isla-markaana ah jiho ay u badan tahay Ummadda Soomaaliyeed.

“In Rooble arrintii uu saxay waxay ku tusineysaa inuu maanta qaaday jiho ay Ummadda Soomaaliyeed u badan tahay,” ayuu markale yiri.

Dhinaca kale Feysal Rooble ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay bar madow ay ku noqon doonto madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa maxkamad loo soo taagi karo kiiskan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay uga dhigan tahay wax bar madow ugu taalla taariikhdooda waxaa kale oo ay ka dhignaan kartaa in xittaa ay daaqad u furan tahay in labadaas shaqsi maxkamad lasoo taagi doono oo ku aadan inay meel kaga dhaceen Qalbi Dhagax & ONLF,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyey go’aankii Golaha Wasiirada ee liiska argagixisada looga saaray Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed, go’aankaas oo ay horey usoo saartay xukuumaddii uu horkacyey ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.