Muxuu Jeneraal Laba Afle ka yiri tallaabada xigta fashilka wada-hadallada Ahlu-Sunna?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa ugu dambeyntii guul darro iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday wada-hadalladii lagula jiray Ahlu Sunnada ku sugan deegaanka Bohol, kadib markii ay socon waayeen dadaallo ay wadeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo uu horkacayey Generaal Aadan Abshir Nuure oo loo yaqaano (Laba Afle).

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo dhowaan dagaallo qaraar ay ku dhex-mareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Haddaba maxaa xiga mar haddii ay fashilmeen wada-hadalladii Ahlu Sunna?

General Laba Afle oo u warramay BBC-da wuxuu shaaca ka qaaday inay gacanta ka taagteen wada-hadalladii socoday, wuxuuna tilmaamay in ay ka socon waayeen dhinaca hoggaanka sare e Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

“Galmudug ayey u taallaa haddii ay wadahadal ama si kale u xallineyso arrinta Ahlu Sunna, annaga waan isaga soo baxnay.” ayuu yiri Generaal Laba Afle.

Sidoo kale wuxuu timaamay in tallaabada kale ee xigta ee la qaadayo u taallo dowladda federaalka iyo Galmudug oo wadajira, maadaama uu sheegay inay socon weysay nabadeyntii ay wadeen, saraakiisha uu hoggaaminayey oo ka soo jeeda Galmudug.

“Waxaa xiga dowladda Galmudug ayay u taallaa mar haddii annaga oo ah saraakiil ka soo jeedda deegaanka ah ay naga socon waayeen nabadeyntii aan wadnay oo aan ugu daneynaynay shacbaka iyo guud ahaan Galmudug.” ayuu markale sii raaciyey hadalkiisa.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda horay isaga fogeysay dhammaan eedeymaha loo jeediyey ee ah inay ka biyo diiday wada-hadalladii nabadeynta ee socday, waxaana madaxa arrimaha siyaasadda ee Ahlu Sunna Waljamaaca Cabdisalaan Adaan Xuseen uu shaaca ka qaaday inay marweliba diyaar u yihiin in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo xiisadda taagan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa qorshahiisa waxaana qeyb ka aheyn in la kulmo hoggaanka Ahlu Sunna, sida uu shaaciyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug, maadaama ay haatan xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol, waxaana markasta suuragal ah inay labada dhinac dagaalamaan, maadaama ay soo xirmeen albaabadii wada-hadallada ee lagu qaboojinayey xiisaddooda.