Ninkii fuliyey weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ku qaado dalka Kenya oo xabsi ka baxsaday

Nairobi (Caasimada Online) – Jihaadi lagu xukumay 41 sano oo xabsi ah sababo la xiriira inuu ku lug lahaa mid ka mid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dalka Kenya, ayaa Isniintii ka baxsaday xabsi aad loo sugo amnigiisa.

Mohamed Ali Abikar ayaa waxaa sidoo kale la baxsaday laba nin oo kale oo ayagana u xirnaa eedeymo argagixiso, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kenya. 

Bayaan kasoo baxay, Agaasinka Dambi-baarista Kenya ayaa lagu sheegay in Mohamed Ali Abikar uu u xirnaa inuu ku lug lahaa weerarkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof oo badankood ahaa arday.  

Ayaga oo ku qeexay in dhammaan saddex qof ee baxsaday ay yihiin “halis,” ayaa booliska waxay yabooheen 60 milyan oo Kenya shilling ah una dhiganta $536,000 oo la siinayo qof kasta oo soo gudbiya akhbaar hoggaamin karta in lasoo qabto.

Labada qof ee kala ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ayaa magacyadooda lagu sheegay Joseph Juma Odhiambo, oo 2019-kii loo xiray inuu isku dayayey inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab, iyo Musharaf Abdalla Akhulunga oo loo xiray inuu ku lug lahaa weerar fashilmay 2012 oo lagu qaadi lahaa xarunta baarlamanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jaamacadda Garissa, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kenya tan iyo qaraxyadii 1998-kii ay Al-Qacida ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Darussalam oo ay ku dhinteen 258 qof.

Al-Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka fulisay Kenya, si ay ugu cadaadiso Nairobi inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab weli kama hadlin baxsashada Mohamed Ali Abikar oo dhabarjab weyn ku ah Kenya.