24.4 C
Mogadishu
Thursday, July 3, 2025

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaal ka dhacay degmada WANLAWEYN

Bookmark
Bookmarked

Share

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna ka dhashay, ka gadaal markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen isbaaro ay maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen inta u dhexeysa Walanweyn iyo Yaaqbari Weyne.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka labada dhinac ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed, Yoonis Aadan oo ka hadlay dagaalkaasi wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen ciidamada ammaanka isbaari tiilay halkaasi, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubeysnaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raadjoogaan rag kale oo ka mid ah maleeshiyaadkaas oo baxsad ah, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan.

Wanlaweyn waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaallo kala duwan oo salka ku haya isbaarooyin iyo aano Qabiil, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ku sugan ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News