Daawo: Boqor Maxamed oo shaaciyey arrimo xasaasi ah oo uu ku lug leeyahay Mahdi

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boob ku hayo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale Boqor Maxamed waxa uu sheegay in lagu weeraray guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in 9-ka kursi ee guddiga maamulka doorashada Somaliland ay jadwalkooda shaaciyeen uu qaar ka mid ah saxiixooda isagu lahaa, balse Mahdi Guuleed uu hadda qorsheystay inuu isagu saxiixdo kuraastaas, sida uu sheegay.

“Halkaan waxaan u joognaa midnimada Soomaaliya, hadii maanta kuraasteena Muqdisho lagu boobo waxay dhabar jab ku noqon doontaa qaranimada Soomaaliya, anaguna tallaabo kale ayaan qaadi doonaa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Boqorka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 27-kii bishii hore uu ku socday weerar toos ah, isagoo eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay loo adeegsaday.

“Laba goor ayaa xilli habeen ah guriga la iigu soo dhacay, xafiisyo ay ku jiraan xeer ilaalinta guud ee qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha, CID-da, taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka, ayaa naloo adeegsanayan, si loo boobo doorashada kuraasta BF, waxaan noogu daran wasiirka arrimaha gudaha oo si sharci darro ah u bedelaya odayaasheena dhaqanka, waxaan dalbaneynaa in deg deg loo joojiyo arrintaan boobka ah,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Dhanka kale Boqor Maxamed ayaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee lagu dulmiyey doorashadaan waxuu ugu baaqay inay qabsadaan doorasho kale, isagoo balan qaaday inuu ka mid noqon doono odayaashooda saxiixayaasha ah.

“Ka Boqor ahaan xil ayaa iga saran kuraasta Somaliland, waxaan ka turjumeynaa oo in ka badan 10 sano aan halkaan u joognaa midnimo Soomaaliyeed, waqti badan ayaa nooga lumay, welina kama aanaa quusan, dowladan waqtigeedu dhamaday, kuma sii eegan doono dibin-daabyada ay ku heyso dalka, gaar ahaan Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Boqor Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Hoos ka daawo