Xog: Ujeedada qarsoon ee ku duugan kulanka Saciid Deni iyo Axmed Madobe ee Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaas soo dhaweyn diiran ugu sameeyey halkaas dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa yeelanaya kulamo dhowr, oo imanaya xilli 20-ka bishaan la filayo inay inta badan maamul Goboleedyada bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa is watay siyaad ahaan tan iyo markii Farmaajo uu u bareeray dagaalkii Jubbaland.

Saciid Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna isku arkaa ninka kaliya ee Farmaajo ka hor istaagi karo inuu mar labaad ku guuleysto kursiga Villa Soomaaliya.

Wuxuu si toos ah dhabarka u xijiyey siyaasiyiintii Muqdisho ee uu dagaalka jilbaha u geliyey, waxaana magaalada Garoowe lagu qeybsanayaa mirihii mucaaradimada xilli madashaas aysan waxba ku laheyn xubnihii mucaaradka ugu halganka, qeylada iyo qarash bixinta badnaa.

Waxaan la hadalnay siyaasiyiin kala duwan si aan wax uga ogaano ujeedka kulanka labada Nin. Saciid Deni wuxuu in muddo ah ka shaqeenayey in Farmaajo uusan siyaasad ahaan usoo kaban, Axmed Madoobe iyo isaga aysan isku soo noqon, siyaasiyiinta Xamar kasoo jeedana ay xiisadda sii xoojiyaan gunaanadka uu ugu yimaado Farmaajo oo itaal daran, mucaaradkii oo la karaahsaday iyo Axmed Madoobe oo cidla taagan.

Waxay u muuqataa in shaqadiisii uu in badan qabsaday, laakiin guuxiisii xilli hore banaanka yimid ayaa sababay in mucaaradkii ka aamin baxaan, Farmaajana uu isku sameeyo is-daahirin siyaasadeed, maamul Goboleedadii kale difaac ka galaan, dood adagna la dul dhigo inuu leeyahay tayo hoggaamineed oo samata bixin karta Soomaaliya.

Markii aan usoo laabano kulanka Garoowe, Axmed Maxamed Islaam dhowr Senator ayuu Saciid Deni uga soo saaray Magaalada Kismaayo halkaas oo lagu doortay 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Sidoo kalana wuxuu Saciid Deni maamulay 11 Senator oo uu aaminsan yahay inuu isaga leeyahay, balse waxay wararka sheegayaan inuusan 3 kamid ah isku haleyn karin kuwaas oo durba farahooda lagu arkay meelo kale.

Hadda Saciid Deni wuxuu rabaa in Axmed Madoobe iyo isaga ka heshiiyaan inta kursi ee uu uga soo saari karo Jubaland. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu gacanta ku heysto liis xidhibaano ah oo uu rabo inuu kasoo saarto Puntland, si taas lamid ahna wuxuu Axmed Madoobe ka rabaa inuu u qoro tirada xubnaha uu siin karo si uu lacagtooda u baxsado.

Xubnahaan sida jarka ah loo kala iibsanayo inay berri cod siin karaan Saciid Deni waa dood kale oo haddii diiwaankii hore lagu laabtana cabsideeda leh.

Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa siyaasi gudaya abaal aan muuqan. Saciid Deni isagoo og in madaxweyne Farmaajo waxba u dhimin Puntland ayuu cadaawad jeebkiisa ah u sameeyey Puntland iyo Farmaajo si uu ugu diyaar garoobo qorshihiisa Villa Somalia.

Inkastoo Axmed Madoobe uusan wax gooni ah ka faa’idin dagaal siyaasadeedkii mudada socday oo uu maanta joogo Kismaayadiisii shalay, haddana si guud Saciid Deni ayuu u arkaa nin u hiiliyey waqtigii uu jilicsanaa.

Jubaland waxaa taalo 43 kursi oo xildhibaanada Golaha Shacabka ah, laakiin 16 kamid ah waxaa lagu dooran doonaa Magaalada Garbahaarey, halkaas oo uusan wax badan ka gelin Axmed Madoobe waqtigaan, halka ay Magaalada Kismaayo taalo 27 Kursi oo uu go’aanka ugu dambeeyo leeyahay Axmed Madoobe.

Kooxda Saciid Deni geedka fadhiga u ah ee Aaran Jaan waxay si aan qarsooneyn u sheegayaan in 27-daas kursi ee Kismaayo taalo ka rabaan 20 kursi.

Marka al eego sida ay marxaladuhu isku saaran yihiin iyo cariiriga muuqda waa adag tahay in lagu deg dego in Saciid Deni qaadan karo xilka madaxweyaha Soomaaliya, laakiin sheekada u baahan fahamka dhabta ah waa sida uu hoggaamiyaha Jubaland u aqbali karo inuu dakano siyaasadeed u galo qof kale dartiis. Laakiin kooxdiisa qaar waxay isku qancinayaan inay yihiin shirko siyaasadeed oo raba inay wada-qaataan Villa Somalia.

Kulankaan kadib Labada Nin ee Deni iyo Axmed Madoobe waxaa la filayaa inay bilaabi doonaan doorashada Golaha Shacabka.