Muxuu Jeneraal Xuud ka yiri safarka Cali Guudlaawe ee magaalada BELEDWEYNE?

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Beledweyne, gaar ahaan safarka magaaladaas ee madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Xuud, oo hadlayey kahor safarka, ayaa si weyen uga soo horjeestay booqashada Cali Guudlaawe, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in loo daba-maro Beladweyne, isaga oo haatan wada-hadal u joogo magaalada Muqdisho.

“Xamar waxa aan u imid in wada-hadal aan ku gaarno wanaag balse uma imaan in gadaasheena dhib laga sameeyo, wax kasta oo aad diyaarisaan diyaar ayaan u nahay, Reer Hiiraan haddii aan nahay waxa aan la kulanay dhib badan oo aan u marnay xaq naga maqan mana dhici karto in ciidan nala dul geeyay nalagu maquuniyo,  ayuu yiri Xuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli aysan wax wada-hadal la gelin HirShabelle, islamarkaana ay ku taagan yihiin go’aankii ay ku diideen safarka Cali guudlaawe.

“Shalay waxaan diidnay Cali Guudlaawe inuu yimaado Baladweyne, maantana waan diidannahay. Wax wada hadal ah iyo wax na dhexmaray midna majirto. Sidee isaga oo xaqayagii haysta uu noogu imaan karaa?” ayuu sii raaciyey Abuukar Xaaji Warsame.

Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si deg deg ah, ciidamada lasoo galiyey gudaha magaalada Beledweyne looga saaro, dibna loogu celiyo xerada Lama-galaay.

“Ciidamada aad magaalada kusoo daadiseen dib ugu celiya Xerada Lama-galaay, joojiya waxa aad wadaan. Haddii aad wadahadal diidaan idinkoo mas’uuliyiin ah sida aad ku qaadataan ayaa naqaanaa, Reer Hiiraan laguma qasbi karo wax aysan rabin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayda oo haatan xaaladda Beledweyne ay aad u kacsan tahay, waxaana dhaq-dhaqaaqyadan cusub ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaaladaaasi.