Shan jirkii 5-ta maalmood ku jiray god dhirirkiisu yahay 32 mitir oo geeriyooday

Rabat (Caasimada Online)- Rejo niyadjab ah ayuu kusoo gabagaboobay howlgalka waqti badan qaatay ee lagu soo badbaadin rabay Rayan Khaled Oram oo ah 5 jir u dhashay Dalka Morocco kuna dhacay Ceel dhirirkiisu gaaraya 32 Mitir.

Boqortooyada Morocco ayaa ku dhawaaqday in uu dhintay Saqiirka ku saxariiray Godka uu ku dhacay oo uu ku go’doonsanaa tan iyo talaadadii todobaadkii hore 1da Febaraayo 2022, Boqor Maxamedka Lixaad ee Morocco oo la hadlay Waalidka Rayan ayaa u tacsiyeeyay.

Dunida oo dhan waxa ay la socotay howlgalkaan baaxadda weyn, Kooxda gurmadka sameysay ayaa welwel ka qabay sida uu Rayan ku heli karo Neefta Macmalka ah inta u dhaxeysa Godka laga soosaarayo ilaa Gaariga loo diyaariyay in lagu geeyo Isbitaalka.

Rayaan waxaa iska dhalay Khaled Oram & Wasima Kharsheesh, qoyskaan ayaa degen Magaalada Tamorot ee dhacda Waqooyiga Morocco, markii ugu horreysay ee rejo laga muujiyay noloshiisa waxa ay ahayd kaddib markii Kaamirooyin lagu riday Ceelka ay soo qabteen muuqaalka Wiilkaan oo nuux-nuuxsanaya.

Waalidkiisa kama aanay tegin godka oo waxa ay rejo ka qabeen in uu dib ula midoobo maadaama indhahooda ay ku arkayeen dad badan oo isugu soo baxay sidii Ceelka looga soosaari lahaa Rayan Khaled Oram ilaa laga xaqiijiyey in uu geeriyooday.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Wiilka ayaa waxa uu ku dhacay ceel hoos u qodon 32m oo waxa uu kaga dhacay duleel yar oo biyaha laga soo saari jiray.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.

Muuqaal Khamiistii lagu soo duubay kaamaro hoos loogu dhaadhiciyay ceelka ayaa muujisay wiilka oo nool dareenkiisuna uu joogo, hasayeeshee wixii markaas ka dambeeyay ma jirin xog kale oo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.