Caruur walaalo ah oo dhacdo xanuun leh ugu geeriyooday magaalada BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo ka kacay gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay Xaafadda Sheekh Cismaan ee Galbeedka Magaalada Boorama, waxaana ku geeriyooday saddex caruur oo walaalo ahaa.

Caruurta geeriyootay ayaa kal ahaa Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo saddex sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bil jir ah iyo Muxumed Sheekh Muuse halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.

Wararka ayaa sheegaya in caruurta aysan helin gurmadkii loo baahnaa, markii uu dabka ka kacayey gurigooda oo Jiingad ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Gaadiidka dab damiska ayaa la sheegay in goor dambe ay gaareen goobta, isla-markaana ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka, walow uu geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Aabaha dhalay caruurta oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa dhankiisa sheegay in xilliga uu dabka kacayey uu ka maqnaa guriga, isla-markaana ay jiifeen caruurta.

“Guriga waan ka maqnaa markuu dabku kacayey, markaa afartii caruurta ahaa saddexna way shafeeceen, midina waa sahaala,” ayuu yiri Aabe Sheekh Muuse Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Aniga oo Salaadda Casar ku jira, ayaa la ii sheegay, walahi waa alxamdulilah, addunyadan Ilahay ayaa maamula, caruur tuna amaano uun bay inagu yihiin”.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana magaalooyin ka tirsan maamulkaasi siyaabo kala duwan uga kacay dab geysta khasaare.