Muxuu ka dhiggan yahay shirweynaha jabhada ONLF uga furmaya dalka Eritrea?

Iyada oo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay bilaabeen wadahadalo toos ah oo miiska lasoo wada fariistay, wafuudna is dhaafsadeen, ayaa waxa ay u egtahay in isbadalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ka dhacaya uu meelo badan saamaynayo.

Muddo dheer dowladda Itoobiya waxa ay tan Eritrea ku eedeyneysay in ay taageerto jabhadaha la dagaalansan, sida ONLF oo xarumo ku leh dalka Eritrea.

Balse wadahadalada labada dal kadib, waxaa dalka Eritrea ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan xubnaha ONLF oo ah jabhad u dagaalanta madaxbanaanida gobolka Ogaden.

BBC-da ayaa wareysi la yeelatay afhayeenka jabhaddaCabduqaadir Xassan Xasan Caddaani Hirmooge oo Asmara ku sugan, shirkana ka qeybgalaya, wuxuuna sheegay in shirkani uu yahay kii seddexaad, islamarkaasna uu ka mid yahay kuwii caadiga ahaa ee jadwalka ku jiray.

Mar uu ka jawaabay su’aal ahayd in hoggaanka jabhadda oo hal qof ahaa markan la badalayo, ayuu kaga jawaabay “Shirweynaha ayay u taalaa, isaga ayaa awood u leh wax ka badalka xeerarka iyo ururkaba”.

Afhayeenka ayaa dhanka kale yiri “Isbadalada waan soo dhaweyneynaa, balse waxaan weli dhawreynaa in ay noqdaan kuwa asaasi ah ee ay Itoobiya isku khilaafsantahay, anaga Soomaali ahaan aan Itoobiya ku khilaafsanahay, in isbadaladaas ay taabtaan baan aaminsanahay, diyaar baanu u nahay in aan wadahadal la galno”.

Sanadkan horaantiisa ayay wadahadalo yeesheen ONLF iyo dowladda Itoobiya oo uu markaas matalayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Tan iyo intii Ra’isulwasaaraha cusub uu la wareegay dalka Itoobiya, waxaa xal laga gaaranayay inta badan mashaakilaadkii dalkaas ka jiray, oo ay ka mid tahay in jabhado hubeysnaa ay sheegeen in ay hubka , halka kuwa kale oo mucaarad aan hubeysnayn ah ay Itoobiya ku laabteen.

Haseyeeshee Jabhadda ONLF oo aragti ahaan ka duwan kuwaas, una dagaalamaysa xoriyad iyo madaxbanaani ay helaan dadka degen gobolka Ogaden, ayaanan weli wax wadahadal ah la galin maamulka cusub, balse Afhayeenka waxa uu sheegay in saansaan wanaagsan ay ka arkeen maamulka, diyaarna u yihiin in ay la macaamilaan.

Caadi ahaa marka labo dal heshiiyaan, waxaa meesha ka baxa haddii ay jireen jabhado ay kala taageerayeen, kuwaas oo ku sugnaa gudaha dalalkaasi.

Isha: BBC Somali