Muxuu ka dhiggan yahay heshiiskii muhiimka ee ka dhacay VILLA SOMALIA?

Is-afgaradkii jimcihii ay Villa Somalia ka shaqeysay, una dhaxeeyey dhinacyada Galmudug, waa arrin la soo wada dhoweeyay, laakin waxaa jirto cabsi laga qabo sida Ahlu-sunna ula dhaqmi-doonto hirgelinta arrimaha la isku afgartay, taasi oo sheekada ku celin karta meel “Eber ah”.

Khilaafka Muqdisho lagu xalliyay ma aha mid ku kooban madaxweynaha Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamaanka, arrinta salkeeda waa sida loo fulinayo heshiiskii 14ka qodob ahaa ee Galmudug iyo Ahlu sunna wada gaareen.

Galmudug iyo Ahlu sunna, ma aha markii ugu horeysay ee arrintooda Villa Somalia u fariisato, ee waa markii 3aad ee madaxweyne Farmaajo uu arrintan isku xil saaro 7dii bil ee ugu dambeysay, laga soo bilaabo heshiiskii December 6, ee 10ka qodob ahaa ilaa midkan lagu dhameystirayo heshiiskii Djibouti.

Heshiisyada Galmudug iyo Ahlu sunna waxaa ay soo socdeen tan iyo July 30, 2014kii, xillgan waa markii ay ugu dhowaayeen balse ku adkeysiga Ahlu-sunna ee ah in ay baarlamaanka Galmudug ku soo darto tiro ka badan midka Cadaado ku sugan, in laga tillaabsado awood qeysiga beelaha iyo arrimo kale waxaa ay horseedi karaan jug jug meeshaada jog iyo in mar walbo meel eber ah wax laga soo bilaabo.

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug waxaa ay qabaan in Ahlu-sunna aaney u hoggaansami-doonin heshiiska lagu saxiixay Djibouti, taasina ay waxba kama jiraan ka dhigi-doonto is-afgaradkii madaxweyne Xaaf, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Liibaan Cabdullahi Sheekh Xasan waxaa uu sheegay in arrinta dhacday ay aheyd is-afgarad iyo dib u sixid lagu sameeyay heshiiskii Dibouti.

Xildhibaan Liibaan oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yri“Shirkii Djbouti waxaa lagu heshiiyay 14 qodob, saxiixa kadib waxaa ay aheyd in wasaaradda arrimaha gudaha ka shaqeyso, oo inta baarlamaanka Galmudug la keeno la sharciyeeyo, iyada oo aan taasi la sameyn ayaa Dhuusa-mareeb la geeyay, tiina waa socon-weyday, hadda waa in la soo celiyo, oo dib loo saxo, waa in baarlamaanka Galmudug hubiyo in heshiiska loo maray awood qeybsiga beelaha ee arrimaha kale”.

“Horta mu’min god 2 jeer lagam qaniino, waa arrin xun in meesha la taagnaado, waa in la isla ogolaado in qaladaadka la saxo, in dastuurka loo hogaansamo, oo wax walbo dib loo saxo, maslaxadda Galmudugna wax walbo laga hormairyo” ayuu intaasi raaciyay .

Dhinaca kale Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud waxaa uu qabaa in arrinta dhacday ay tahay in madaxweyne Xaaf uu ku galay si deg deg ah, oo Ahlu-sunna aaney u hoggaansami doonin 14kii qodob ee Djibouti.

“14 qodob ee Djibouti ee madaxweyne Xaaf heysto, Ahlu-sunna ma ogola, 14ka waxaa ay rabaan in laga dhigo sida ay iyaga rabaan, waxaa ay iila muuqataa jug jug meeshaada joogo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com