Muxuu ku saabsan yahay kulanka xasaasiga ah ee kooxda Qabyo uga furmay Turkiga?

Ankara (Caasimadda Online) – Ilaa 21 Siyaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyoF aarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramay inuu Kulan Siyaasadeed uga furmay Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Ilo ku dhowdhow Kulankaasi ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo ka wada hadlayaan Qorshadooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka iyo Falaanqeyn lagu mucaaradayo DFS iyo sidii loo minjixaabin lahaa Dowladda Farmaajo.

Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BFS, oo maalmihii la soo dhaafay ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo waramay inay ka qeyb galayaan Kulan Siyaasadeedka ka furmay magaalladda Ankara, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Wasiiradii hore ee Amniga, Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlihii Madaxtooyadda, Agaasimihii iyo Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyadda ee Dowladdii Xasan Sheekh, kuwaasi oo haatan dhamaantooda ah Xildhibaano.

Sidoo kale, Kulankaasi ayaa la sheegay in lagu dejin doono Istaraatijiyadda Siyaasiyiinta Qabyo ee Fursadaha Doorashadda soo socoto, inkastoo ay Siyaasiyiintaasi ku kala qeybsan yihiin Murashax ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu isagu noqdo Murashax Madaxweyne, balse xubno kale ayaa ku taliyey in Xubin Cusub lagu tijaabiyo Doorashada soo socota.

Si kastaba ha ahaatee. Shirka Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo uga socda magaalladda Ankara ayaa ah Kulan-siyaadaeedkii ugu ballaarnaa oo ay yeeshaan tan iyo markii Xasan Sheekh looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkan, taasi oo uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

isha: RADIO DALSAN

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com