Muxuu ku saabsan yahay shirka uu wasiir Juxa ka furaayo magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay shir ka furto magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu furo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi faarax Saciid Juxa, kaa oo looga hadli doono dhismaha goleyaasha degaanka.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulamo ku saabsan arrimaha shirka la qaatay Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo sidoo kale Wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Wasiir Juxa ayaa Axmed Madoobe iyo Wasiirada maamulka sharaxaad ka siiyay Shirka iyo ahmiyadiisa, waxa uuna cadeeyay in ahmiyad gaara uu u yeelan doono dalka.

Shirka Dhismaha goleyaasha degaanka ayaa horay loogu qabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in ay muhiim tahay dhismaha Goleyaasha degaanka maamulka Jubbaland, isla markaana uu maamulkiisa soo dhaweynaayo.

Si kastaba ha ahaatee, shirka oo ay ka qeybgali doonaan dhinacyo dhowr ah, ayaa waxaa laga soo saari doonaa qodobo lagu qeexaayo waxa kasoo baxay shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com