Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay shalay Xildhibaanada Baaralmaanka Soomaaliya si weyn uga jawaabeyn codsigii madaxweynaha ee ahaa inay ansixiyaan Ra’isulwasaaraha cusub madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf weyn u sameeyey xildhibanaada.
Casho sharaftaan oo ay sidoo kale kasoo qeybgaleen marti sharaf badan ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadceliyey xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya sida ay u ansixiyeen Ra’isulwasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha oo halkaas qudbad ka jeediyey ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan ka daali doonin mahad celintooda isagoo u ballan qaaday inay dowladiisa ka shaqeyn doonto dib u heshiisiinta iyo horumarka dalka.
“ Waxaan rabaa inaan mar kale idiin mahadceliyo sida aad iiga aqbasheyn codsigeyga ahaa inaad ansixisaan Ra’isulwasaaraha cusub, waxaan idiin ballan qaadayaa inaan si fiican uga soo baxno ballanqaadkii aan idiin sameynay oo ay ugu horreyso dib u heshiisiinta iyo horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhankooda xubnihii Baarlamaanka ee kasoo qeybgalay kulankaan casho sharafta ahaa ayaa u ballan qaaday madaxweynaha inay si weyn ula shaqeyn doonaan sidoo kale ay ku garab istaagi doonaan sidii wadanka xaaladaan looga bixin lahaa.
Ugu dambeyntii kulankaan ayaa kuso dhamaaday guul iyo farxad waxaana markii ugu dambeysay xabad isgeliyey madaxweynaha iyo xubnihii Baarlamaanka ee kasoo qeybgalay kulankaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

