Xasan Sheekh oo war kasoo saaray amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaallo xarunta madaxtooyada, kadib Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah carabka ugu goday dhibaatooyinka adag ee ay xilligaan wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhaca ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

“Dadka deggan magaalada Muqdisho waxaan leenahay walaalayaal ciidamada amniga halala shaqeeyo, waxaan leeyahay dib ha isugu noqdaano,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amniga, si looga hortego falalka amni darrada ah ee xilligaan ka dhacaya caasimada Muqdisho.

“Dowladda waxaa ka go’an in amniga la sugo waa saxeynaa, waana la ciqaabayaa askariga qaldan waa la toosinaa, waana la daba socdaa,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Jilib Marka, kaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlgalkaasi khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen koontarool ku yaalla halkaas, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah.

“Jilib Marka saaka howlgallo waa weyn ayaa ka dhacay nimankii nabad diidka ahaa ayaa lagu laayey waddada ayey taagnaayeen ee dadka ku dhibaayeen askari ayaa qatartaas u qaatay,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana Al-Shabaab dhankooda ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, ayaga oo xittaa u tallaabay dhanka xadka Itoobiya.