Muxuu Mareykanka ka yiri kororka weerarada Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Larry Andre ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ka hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Larry Andre ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka, sida Muqdisho iyo Beledweyne.

Danjiraha ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa weeraradan ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu ay taageersan in la dhiso Soomaaliya oo nabad ah, isla-markaana ah barwaaqo.

“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA

Dhinaca kale wuxuu wareysiga diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka, isaga oo ku baaqay in la dadejiyo kuraasta ka dhimman Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14-ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu markale yiri Danjire Larry Andre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan meel wanaagsan ay mareyso doorashada Baarlamaanka, walow dib looga dhacay jadwalkii u dambeeyey oo dhigayey in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15 bishan March sida ay ku ballameen Golaha Wadatashiga Qaran.