Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.
Galeyr ayaa sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu habsaamiyay howlihii dowladdu ay qaban lahayd, wuxuuna xusay inuu isagu u arko in howlaha xukuumadda uu dastuurku xaq u siinayo ra’iisul waasaraha Somalia.
Galeyr oo ka hadlaaya Khilaafka Labada Mas’uul ayaa waxa uu yiri “Xamar hadda waa la isku habsaamay, runtiina howlo badan ayaana taalla taas oo lagu doonayo in marka la gaaro 2016-ka ay dhacaan waxyaabo ina rajo-geliya”, waxa uuna Intaa kusii daray inay wanaagsan tahay in DF Somalia ay si hufan uga faa’iideysato Fursadaha horyaalla.
Sidoo kale, Galeyr oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Dowladdeennu waa mid baarlamaani ah. Dastuurka dalkana waxaa ku yaalla howlaha xukuumadda waxaa leh ra’iisul wasaaraha uma arko arrin saxan in Xasan uu faraha la galo howsha C/weli khuseysa”
Haddalka Cali Khaliif ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo uu faraha kasii baxaayo Khilaafka labada Mas’uul, islamarkaana ay ka caga jiidayaan inay xaliyaan Khilaafkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

