28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Mustaf Dhuxulow oo wareegtadii Cabdi Weli is ilowsiiyey iyo Shariif Xasan oo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Somalia Mustaf Dhuhulow oo kamid ah wasiiradda aadka ugu dhow Raysul Wasaare Cabdi Weli ayaa ka reebay warbixinta Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Warfaafinta soo saarto wareegtadii qoraalka aheyd ee Raysul Wasaare Cabdi Weli ku amray hakinta shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed, sidoo kalana lagu amray iney si degdeg usoo galaan Magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiiarada oo xukuumadu u magacaawday lasocodka shirka.

Wareegtada xukuumadda, ayaa si cad ugu qorneyd in shirka la hakiyey oo aan go’aano lagu gaari karin inta laga saxayo qaabka shirku u socda, laguna qancinayo beelaha aan ku qancin qaabka ergada loo qeybsaday oo aan shirka ka qeyb gelin.

Go’aankii kasoo baxay Raysul Wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Weli, taariikhdu maalinta ay aheyd 1/11/2014 uuna aqbalay go’aanna kasoo saaray kusimaha Madaxweynaha Dawladda Federaalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaan kasoo muuqanin Warbixinta Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow iyada oo dikreetadaasi aheyd go’aanada kaliya ee la xasuusan karo, saameyntana lahaa ee kasoo baxay Madaxda sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Qeyb kamid ah ergooyinka shirka koofur galbeed oo aan weli lagu heshiin iyo shacab taageersan oo dhegaha ka fureystay go’aanka xukuumadda Somalia ayaa isaga dhawaaqay inay shirka sii wadanayaan sidoo kalana sheegay inay ansixiyeen Dastuurka Koofur galbeed, Maalmaha soo socdana ergada shirka dooran doonto madaxweyne.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari oo xiligii shirka la furayey sheegay in shaqada ergooyinku tahay kaliya ansixinta dastuurka, kadibna beeluhu soo xulanayaan Baarlamaanka koofur galbeed, Baarlamaanka KG-na uu noqon doono sharciyan cida dooranaysa Madaxweynaha Koofur galbeed.

Qaabka faashilka ah oo kooxda yari ku dooneyso inaan shirka lasixin ayaa keeni karta in dagaalo sokeeye dib uga bilaawdaan gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose, kooxda afduubatay shirka ayaa u sheegtay taageerayaashooda iney taageero ka heystaan xafiiska wakiilka UNSOM Somalia Mr Nicholas Kay.

Shirka maamul u sameynta Koofur galbeed oo aadka loola degdegayo waxaa canbaareeyay beelaha Eelaay, Geledi, Shan Caleemood, Disow iyo Beesha Hawiye oo aan ergadoodu shirkaba tegin sidoo kale waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ay kamid yihiin Mohamed Ibrahin Xaabsade, Aden Madoobe, Wasiirka Ganacsiga Adan Saransoor, Xildhibaan Fawsiyo iyo xildhibaano kale oo badan.

Kooxda Shirka afduubtay oo sida sharci darada ah go’aamada isaga dhawaaqeysa oo sheeganaysa inay taageero ka heystaan xafiiska UNSOM somalia ee Nicholas Kay iyo Nuradin Diriye ayaa sheegay iney maalmahan ugu dhawaaqi doonaan Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aden inuu yahay Madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

Wareegatadii kasoo baxday Raysul Wasaaraha DF Soomaaliya Dr Cabdi Weli oo lagu amray Taliyayaasha Booliiska iyo Milateriga Dawladda Federaalka Soomaaliya oo jooga Baydhabo fulinta go’aanka xukuumada ee hakinta shirka ayaa ka gaabsaday fulinta wareegtada kasoo baxday madaxda sare ee dawlada ee kala ah Raysul wasaare Cabdi Weli iyo Kusimihii Madaxweynaha Prof Jawaari taasoo muujinaysa inaan Soomaaliya Dawlad iyo shacaba waxba gacanta ugu jirin.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aden iyo Xildhibaano taageersan iyo saraakiil ka socota xafiiska UNSOM Somalia ee Nicholas Kay iyo Nuradin Diriye ayaa qorsheynaya iney maanta tagaan magaalada Baydhabo si loogu dhawaaqo Shariif Xasan Sheikh Adan inuu yahay Madaxweynaha Koofur galbeed ee 3-da gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News