25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

“Waxaa iga go’aan inaan marnaba hor fariisan XASAN SHEEKH” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay Bogga twitterka uu ku leeyahay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uusan ka qeybgali doonin shirka Denmark lagu qabanayo ee looga hadli doono Arrimaha Somaliya iyo horumarkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka ku sheegay inay Somaliland ka darajo duwan tahay Somaliya, waxa uuna qoraalka u qornaa “Somaliland kama qayb galayso shirka Copenhagen dhawr jeer ayaanu cadaynay inay Somaliland ka duwantahay Somalia.”

Waxaa intaa lasii raaciyay “Somalia waa Somalia, Somalilanda waa Somaliland waa in uu caalamku kala saaraa waxaa naga go’an inaan hor fadhiisan Xasan Sheekh inta aan ka aheyn kulanka wada-xaajoodka Dubai”.

Qoraalkaani ayaa waxa uu u muuqdaa inay tahay farriin diblomaasiyadeed loo dirayo cid aan la sheegin oo laga yaabo inay Somaliland mar kale ka codsatay inay shirkaas ka qayb galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News