Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii maanta lagu soo gaba-gabeeyey Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war kasoo saaray doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray Senataradii ugu dambeeyey ee maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Somailand ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khilaaf xoogan.

“Waa ku faraxsanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyey ergadii ka qeyb-gashay doorashada iyo sidoo kale guddigii maamulayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay,” ayuu raaciyey.

Hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la dhammeystiray doorashada 11-ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.