JAWAARI oo farriin culus kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia

Muqdisho (Caasimadam Online) – Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka.

Jawaari ayaa marka hore soo saaray fariin la xiriirta doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, taas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guda-galo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in golaha shacabka uu saldhig u yahay dowladnimada, maadaama lagu go’aamiyo xal ka gaarista go’aanada culus.

“Golaha shacabka waa meeshii saldhigga u aheyd dowladnimada dad badan ayaa yasaayo mararka qaarkood, laakiin haddii ay mas’ala adag dhacdo meesha la eeganaayo waa golaha shacabka oo la leeyahay go’aan ka gaara oo arrintaas xalliya,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan-yahay in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwa leh karti iyo aqoon, si loo doorto xuldhibaano tayo leh.

“Waxaa loo baahan-yahay in xubnaha golaha shacabka ay ahaadaan xubno qiimo iyo qadarintaasi leh, aqoontaas iyo fikrad dheer leh in meesha loo soo xulo waa lagama maarmaan,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in si deg-deg ah loo  bilaabo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana heer gabagab ah jooga doorashada aqalka sare oo marxalado kala duwan laga soo maray.