Doorashada Somaliland ee Aqalka Sare oo la soo gaba-gabeeyey – Yaa soo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana la doortay kuraastii ugu dambeysay xubnaha ka imaanaya dhanka Somaliland.

Saciid Cabdi Xasan ayaa ku soo baxay kursiga 7-aad, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Intaas kadib ayaa waxaa codeyn gacan taag ah loo qaaday musharrax Saciid oo helay 42 cod, waxaana sidaas uu markale ku noqday Senatar ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kursiga 8-aad ku soo baxday Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30 cod, halka Muno Cumar Xasan oo horey uga fadhisay kursigaas ay heshay 13 cod.

Kursiga kale ee 9-aad waxaa ku guuleystay Sanatar Axmed Maxamed Saciid, waxaana la tartamayey labo musharax oo midkood uusan imaan goobta codeynta, wuxuu isna ku soo baxay cod gacan-taag ah, kadib markii uu tanaasulay Cabdirisaaq Axmed Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo kursiga 10-aad ku guuleystay musharrax Axmed Ibraahim (Qorane) oo isna ku soo baxay cod gacan taag ah, halka kursiga ugu dambeeyey ay iyana ku guuleysatay Deeqo Xassan Xuseen oo loo tanaasulay horeyna ugu fadhiday kursigaasi.

Tani ayaa ka dhigan in lasoo gaba-gabeeyey doorashada Somaliland ee Aqalka Sare, iyada shalay la doortay lixda Senatar ee kale, waxaana ku soo baxay kuraastaasi:

  1. Sen. Cabdi Xaashi Cabdullahi
  2. Sen. Saalax Axmed Jaamac
  3. Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Sen. Cismaan Obokar Dubbe
  5. Sen. Leyla Axmed Ismaaciil
  6. Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi

Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, waxayna taasi soo dadajisay in la qabto dooerashada xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya Aqalka Sare.